Sep 15(Jowhar)- Puntland ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqaynta kala dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee hakadka galay.
Wasiirka Tamarta, Biyaha iyo Kheyraadka Puntland, Liibaan Muuse Boqor, ayaa sheegay in baahida ka jirta dalka ay tahay mid ballaaran, sidaas darteedna looga baahan yahay labada dhinac in ay iska kaashadaan sidii shacabka loogu qaban lahaa adeegyo muuqda.
“Baahida jirta wey badan tahay, waxaaan annaga iyo DFS u baahan nahay in aan iskaashanno. Waxaan rabnaa in aan wadashaqayno DFS, mashaariicda baaqatayna socoto,” ayuu yiri Wasiir Liibaan Muuse Boqor.
Baaqan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan dadaallo dib u heshiisiineed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo wada-shaqaynta iyo kalsoonida dhinacyada.