Aug 22 (Jowhar)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta UNICEF ayaa ka digtey nafaqo daro baahsan oo soo wajahaysa caruurta Soomaaliyeed kadib markii 200 oo xarumood oo caafimaad iyo nafaqo ah lagu qasbay inay xirmaan sababo la xiriira in la jaray gargaarka caalamiga ah.
Warbixin ay soo saartay UNICEF ayaa lagu yiri;“Dalkan ku yaal Bariga Afrika ayaa arkay koror 32 boqolkiiba ah oo ku yimid tirada carruurta la dhigay xarumaha ay ku jiraan nafaqo-xumada ba’an iyo dhibaatooyinka lixda bilood ee ugu horreeya 2026.”
Ku dhawaad 1.9 milyan oo carruur ah ayaa la saadaalinayaa inay nafaqo-darro la ildaran yihiin sanadkan.
“Maanta Soomaaliya, dhimista gargaarka waxay albaabada u xiraysaa xarumo badan oo dhinaca daryeelka caafimaadka iyo adeegyada nafaqada qaabilsanaa,” ayuu afhayeenka UNICEF James Elder u sheegay wariyeyaasha Geneva, isagoo muuqaal ka duubaya Nairobi.
“Ilaa 618 xarumood oo caafimaad ayaa laga yaabaa inay ku xirmaan dalka oo dhan iyadoo ay jiraan xaalad dhaqaale oo daran”, ayuu yiri Elder.
Soomaaliya waxaa ka taagan abaar daran oo dishay xoolo, burburisay dalaggii beeraha iyo hab-nololeedkii.
Kooxaha gargaarka ayaa qiyaasaya in abaartu ay barakicisay qiyaastii 500,000 oo qof intii u dhaxaysay Janaayo iyo Abriil, taasoo ku dartay qiyaastii 3.3 milyan oo Soomaali ah oo horey u barakacay. Saddex meelood meel dadka Soomaaliya ee 19 milyan oo qof ayaa wajahaya cunto yaraan daran.
Haddana, maalgelinta wax ka qabashada nafaqo-xumada ba’an ee qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa hoos u dhacday in ka badan 80 boqolkiiba sanadkan, sida ay sheegtay Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn, ee MSF, horraantii bishan, iyadoo Mareykanka iyo dhowr waddan oo reer Galbeed ah ay dhimeen gargaarka.
Soomaaliya waxaa sidoo kale laga saaray ballanqaadka gargaarka bani’aadamnimada ee caalamiga ah ee $2bn oo uu Mareykanku ku dhawaaqay sanadkan sababo la xiriira eedeymo la xiriira leexashada gargaarka iyo musuqmaasuqa.
Dhanka kale, qiimaha shidaalka iyo bacriminta ayaa kor u kacay sababo la xiriira dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran, iyadoo isla markaana la saadaalinayo in ifafaalaha cimilada ee El Nino — oo gaaray heer aad u xooggan — uu sii xumeyn doono xaaladda bini’aadamnimo, taas oo keeni karta daadad ba’an, sida uu sheegay Elder.
Ku dhawaad hal milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano, gabdho qaangaar ah iyo haween ayaa wajahaya khatarta ah inay waayaan adeegyada nafaqeynta.





