Friday, February 13, 2026
Home NEWS Qaramada Midoobay oo ku eedeysay RSF inay dambiyo dagaal ka geysatay El-Fasher

Qaramada Midoobay oo ku eedeysay RSF inay dambiyo dagaal ka geysatay El-Fasher

26

Feb 13(Jowhar)-Warbixin ay soo saartay xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in kooxda taageerada Degdegga ah ee Sudan RSF ay ka fulisay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada markii ay la wareegeen magaalada El-Fasher ee galbeedka Sudan sanadkii hore.

Iyadoo warbixintan la baahiyay maanta ayaa Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayuu ku sheegay inay jiraan sababo macquul ah oo lagu aamino RSF iyo kooxaha hubaysan ee xulafada la ah inay geysteen falal dambiyo dagaal ah.

Falalkaas waxaa ka mid ah dil, weerarro ula kac ah oo ka dhan ah rayidka, tacaddiyada galmada sida kufsiga, jirdilka, iyo in gaajada loo adeegsado hub dagaal.

RSF ayaa la wareegtay gacan ku heynta magaalada El-Fasher, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur, Oktoobar 26, 2025, ka dib markii ay isaga baxeen ciidammada qalabka sida ee Suudaan (SAF), kuwaas oo kooxda RSF kula dagaallamayay xukunka Suudaan tan iyo Abriil 2023.

La wareegidda ayaa timid ka dib go’doomin 18 bilood ah oo El-Fasher ay ka jartay cunno, dawooyin iyo agabyo kale oo muhiim ah waxayna dhalisay digniino ku saabsan gaajo baahsan.

Tobanaan kun oo dadka deegaanka ah ayaa ka qaxay magaalada ka dib markii ay RSF la wareegtay gacan ku haynta, sida laga soo xigtay tirooyinka Qaramada Midoobay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay la kulmeen dhibaatooyin baahsan safarkooda Ceel-Fasher.

Hay’addan U dooda xuquuqda aadanaha iyo khubarada kale ayaa sidoo kale ka digay in dilal wadareed ay dhaceen.

Warbixinta Jimcihii, oo Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in lagu saleeyay wareysiyo lala yeeshay in ka badan 140 dhibanayaal ah iyo goobjoogayaal, iyadoo la sheegay in boqolaal qof lagu dilay dhismaha Jaamacadda El Fasher oo lagu magacaabo Al-Rashid.

Sida laga soo xigtay dadkii ka badbaaday weerarka, dagaalyahannada RSF waxay go’doomiyeen dhismaha, oo gabaad u ahaa ilaa 1,000 rayid ah, waxayna ku fureen rasaas ka dhacaysa hubka culus. Ku dhawaad 500 oo qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa lagu dhaawacay.

Warbixintu waxa kale oo ay diiwaangelisay dhawr jeer oo xukunno kooban ah, iyadoo dadkii badbaaday iyo goob-joogayaashu ay sifeeyeen sida ay RSF u dishay dad rayid ah oo lagu eedeeyay inay la shaqaynayeen ciidammada qalabka sida ee Suudaan (SAF) iyo kooxaha xulafada la ah.

Dagaalo ayaa ka socday dhowr gobol oo Suudaan ah, iyadoo kooxda dhakhaatiirta Suudaan ay sheegeen todobaadkan in ugu yaraan laba carruur ah lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee RSF ku qaadeen masaajid ku yaalla Waqooyiga Kordofan.

Sudan ayaa ku eedaysay Imaaraatka Carabta in ay taageero militari iyo mid dhaqaaleba siiso RSF, eedeymahaas oo Abu Dhabi ay si weyn u beenisay.

Xigasho;Al Jazeera