Sept 18 (Jowhar)- Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa iska casilay xilka kadib markii isbaheysigiisa garabka midig ee talada hayay ay si dirqi ah uga adkaadeen mucaaradka garabka bidix ee dhexdhexaadka ah doorashadii guud ee dalka.
Wuxuu arrintan ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay barta X galabnimadii Khamiista, kadib markii natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii Axaddii ay muujiyeen in farqi dhan ilaa 50,000 oo cod uu u dhexeeyay labada isbaheysi ee dalkan oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 10 milyan oo qof.
Xisbiyada mucaaradka oo ay hoggaaminayso Magdalena Andersson oo ka tirsan xisbiga Social Democrats ayaa u muuqda inay ku guuleysanayaan 176 kursi oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamaanka Sweden (Riksdag).
Kristersson, oo ah siyaasi muxaafid ah, ayaa waxaa dowladda ku taageerayay xisbiga Sweden Democrats (SD) oo ah xisbi garabka midig ee fog oo ka soo horjeeda soo-galootiga, wuxuuna u ballanqaaday xilal wasiirnimo haddii uu ku guuleysto doorashada.
Isbaheysigiisa garabka midig ayaa u muuqda inay helayaan 173 kursi oo ka tirsan baarlamaanka, sida ay muujinayaan xogta ka timid Hay’adda Doorashooyinka Sweden.
Natiijooyinka ayaa u baahan doona xaqiijin rasmi ah maalmaha soo socda, waxaana la filayaa in gebi ahaanba la soo gabagabeeyo dhammaadka toddobaadkan.
Sweden waxaa ka jira laba isbaheysi oo siyaasadeed oo waaweyn – iyadoo ay jiraan afar xisbi oo dhanka midig ah iyo afar kale oo dhanka bidix ah, sidaas darteed dadka Sweden ayaa la qabsaday dowladaha isbaheysiga iyo kuwa aan aqlabiyadda buuxda haysan.
Marka uu ra’iisul wasaaruhu iscasilo, Guddoomiyaha baarlamaanka (Riksdag) ayaa wadahadallo la yeesha dhammaan xisbiyada si uu u soo jeediyo musharrax noqda hoggaamiyaha xiga, kaas oo ay markaasna cod u qaadayaan xildhibaannadu.





