Saturday, September 12, 2026
Home NEWS Ra’iisul Wasaaraha Xamse oo la xisaabtamay wasaradaha dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xamse oo la xisaabtamay wasaradaha dalka

15

Sept 12-(Jowhar)-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay wasiiradda Xukuumadda Dan Qaran.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay wasiiradda ayaa sheegay in la xisaabtankan looga gol leeyahay in lagu qiimeeyo shaqadii qabsoontay sanadkan iyada oo lala eegayo ballanqaadyadii wasiir kasta uu saxiixay, isaga oo xusey in haddii ay soo baxaan caqabado shaqooyinka qaar u qabsoomi waayeen la sixi doono hadafyada iyo bar-hiigsiyada ku qoran jadwalka heshiisyada wasiiradda lala galay.

La xisaabtanka iyo qiimeynta ayaa markii ugu horeysey loo adeegsaday habka dowladnimada danabaysan, iyada oo shaashad weyn laga shiday boqoleyda natiijada kasoo baxday qiimeynta wasaarad kasta, iyo waliba sida wasaaradaha kaalmaha u kala galeen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Wasiiradda , Agaasimeyaasha guud iyo hawlwadeenada farsamo ee wasaaradaha kula dardaarmay in ay sii dardargaliyaan hawsha qaranka, kana soo dhalaalaan hawshii loo igmaday, isaga oo xusuusiyay in shacab weynaha xukuumadda ka sugayaan wax qabad badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Qorshe ayaynu samaysanay, idinka ayaa dajiyay, kadibna waan isla saxiixanay, qorshihii ayaan isla qiimeynaynaa, waxaan eegeynaa caqabadaha jira, fursadaha iyo waxyaabaha aan sixi karno, waxaad ogtiiin in aan markasta sii horimarinayno qiimeynta aan samayno, waxaan hadda maraynaa xillihii hab dijitaan aan u guurnay, kaas oo sahlan, waqti badana aanan nagu qaadanaynin”.