Feb 10(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, si uu qiimeeyn ugu sameeyo heerka adeegyada kala duwan ee loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay u shaqeynayaan hay’adaha ka hawlgala garoonka.
Ra’iisul Wasaaraha, oo u kuurgalaya habsami u socodka adeegyada muhiimka ah ee garoonka, oo ay ka mid yihiin adeegga caafimaadka, maamulka socdaalka, amniga, iyo howlaha kale ee la xiriira dhoofinta iyo soo-dhaweynta rakaabka, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo tayada adeegyadaasi, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan, degdeg ah, isla markaana waafaqsan heerarka garoomada diyaaradaha.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhageystay cabashooyinka iyo tallooyin ay la-wadaageen qaar ka mid ah shacabka safafka ugu jiray helidda adeegga garoonka, isaga oo faray maamulka iyo howlwadeennada garoonka in ay muujiyaan masuuliyad dheeri ah, isla markaana mudnaanta siiyaan fududeynta adeegyada loo hayo dadka rakaabka ah, gaar ahaan kuwa ku jira xaaladaha adag ee u baahan tixgelin iyo daryeel gaar ah.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku boorriyey dhammaan hay’adaha ka hawlgala garoonka in ay labanlaabaan dadaalkooda ku aaddan u adeegidda bulshada, ilaalinta sumcadda garoonka, waxa uu xusay in Garoonka Aadan Cabdulle, uu yahay albaabka koowaad ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid ka tarjumaya horumarka iyo haybadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo dhagaysanaya tallooyinka bulshada ee ku aaddan adeegyada ay bixiyaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, ayaa ballan-qaaday in aan la aqbali karin in dadka Soomaaliyeed ay cabasho ka muujiyaan xarumo dowladeed haddii ay dhacdana ay Xukuumaddu tallaabo ka qaadi doonto ciddii ku lug-yeelata,isaga oo xusay in kormeerradii uu hore u sameeyay kadib la xalliyey cabashooyin badan oo ka jiray garoonka.










