Monday, March 30, 2026
Home NEWS Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay wasiir ku xigeeno cusub

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay wasiir ku xigeeno cusub

83

Mar 30(Jowhar)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub kuwaasoo buuxinaya xilalkii ay iska casileen qaar ka mid ah golaha wasiirada Xukuumadda JFS.
Ra’iisul Wasaaruhu markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, isla markaana gudanaya waajibka dastuuriga iyo talada Madaxweynaha JFS, waxa uu magacaabay Wasiir Ku-xigeennada cusub ee kala ah:

Mudane Xasan Maxamed Cali Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.Marwo Nadiifa Aadam Isaaq, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.
Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u rajeeyay xubnaha cusub in ay xilkooda u gutaan si hufnaan oo karti iyo mas’uuliyad ku dheehan tahay, isla markaana ay mudnaan siiyaan danta guud iyo horumarinta adeegyada ay Xukuumadda DanQaran u hayso Bulshada Soomaaliyeed.