Tuesday, February 3, 2026
Home NEWS Ra’iisul wasaare Xamze oo safar ugu ambabaxay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaare Xamze oo safar ugu ambabaxay dalka Shiinaha

1970

Aug 24 (Jowhar) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha.

Halkaas oo uu uga qayb gali doono Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ganacsi, maalgashi, tiknoolojiyad iyo tamar, isaga oo fursad u ah Soomaaliya in ay ka qayb qaadato horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta.