U gudub nuxurka
Sabti, 21 Nofembar 2026 11 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 571 SOS
Hadalhaynta Trump U.S Summit Gaza Alleged Cop31

RW Xamsa ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed

RW Xamsa ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed, munaasabadda 21-ka Nofeembar oo ku beegan Maalinta Macallinka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in macallimiintu ay laf-dhabar u yihiin horumarka bulshada iyo dhismaha mustaqbalka dalka, maadaama ay jiilasha soo koraya ku barbaariyaan aqoon, akhlaaq, waddaniyad iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed,

Mudane Xamsa, ayaa si gaar ah u ammaanay macallimiinta Soomaaliyeed ee ku howlan gudashada waajibaadkooda waxbarasho, kuwaas oo duruufo kala duwan ku shaqeeya, kuna bixiya dadaal iyo dulqaad si ubadka Soomaaliyeed u helaan waxbarasho iyo fursado wanaagsan oo ay mustaqbalkooda ku dhistaan, isaga oo adkeeyay in maamuusidda macallinku ay tahay maamuusidda aqoonta, horumarka iyo mustaqbalka ummadda.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaalkii ugu badnaa ku bixisay helidda bareyaal aqoon u leh barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

More News