Tuesday, February 10, 2026
Home NEWS Saciid Deni oo ka soo degey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Saciid Deni oo ka soo degey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

26

Feb 10(Jowhar)-Madaxwaynaha Maamulka Puntland saciid Cabdulahi Deni ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kadib muddo afar sano ah.

Madaxwaynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaano,

Madaxwaynaha Puntlnd ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo kulan ay yeelanayaan madaxda madasha samatabixinta Soomaaliya iyo madaxwaynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa hore u soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka mid ah mas’uuliyinta ka qeybgalaysa shirka ay yeelanayaan madaxda madasha la magac baxday Samatabixinta iyo Madaxweynaha Soomaaliya.