Safiirka Mareykanka iyo madaxweyne Deni oo ku kulmay magaalada Boosaaso

0
13

Sep 20(Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo  Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa , Major General Claude K. Tudor JR  iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa  Col. Benander.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada , Amniga, Siyaasadda iyo Horumarinta. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay la dagaalanka Argagixisada iyadoo Maraykanku ku boggaadiyey Puntland Hawlgalada ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka Calmiskaad ka socda.

Inta ay socotay qaabilaada wafdigu, Saraakiisha hawlgalka gaarka ah ee Maraykanka ee Africa, ayaa kulan doceed la qaatay Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka socda buuralayda Calmiskaad, Kaasi oo maraya meel gebogebo ah oo lagu raadjoogo firxadka Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya meelo kooban oo ka mid ah Calmiskaad.