Aug 20 (Jowhar)-Safiirkii hore ee Mareykan u joogay Soomaaliya, Larry André, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland oo si degdeg ah loo sameeyo uu khatar ku noqon karo xasilloonida Geeska Afrika, islamarkaana uu dhaawici karo xiriirka Mareykanka ee gobolka.
André ayaa ku baaqay in Washington aysan go’aan kaligeed ah qaadan, balse ay la tashato dalalka deriska ah sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda, iyo sidoo kale Midowga Afrika, ka hor inta aan wax tallaabo ah laga qaadin arrinta aqoonsiga Somaliland.
Wuxuu soo jeediyay laba talo: in Mareykanku ula sii macaamilo Somaliland sida hadda ay xaaladda tahay, ama in uu furo xafiis diblomaasiyadeed oo Hargeysa ka howlgala, iyadoo safaaraddu ay kusii taaleyso Muqdisho. Isagoo taageeray mida labaad, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid gacan ka geysan karta wadahadallada u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho.
Wadahadalladii hore ee ay dhexdhexaadiyeen Turkiga iyo Jabuuti weli wax horumar ah kama aysan keenin su’aasha Somaliland, waxaana weli jira mugdi ku saabsan haddii ay sii ahaan doonto qayb ka mid ah Soomaaliya, ama ay ku guuleysaneyso raadinteeda aqoonsi caalami ah.