Wednesday, February 11, 2026
Home NEWS Shabaab oo diyaarado Drone ah u isticmaalay dagaalkii u danbeeyay ee Jamaame

Shabaab oo diyaarado Drone ah u isticmaalay dagaalkii u danbeeyay ee Jamaame

1

Feb 11(Jowhar)-Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo amni dagaalkii ka dhacay deegaanka Maanbile (duleedka Jamaame ee dhexmaray ciidanka JL & kooxda Argagixiso) waxay muujinayaan in kooxaha Argagixisada ay adeegsadeen diyaarado drone ah, oo qaar qaraxyo lagu xiray, qaarna sirdoon ahaan loo isticmaalay, balse la soo riday.

Tani ma aha dhacdo caadi ah, waa marxalad cusub oo la dagaalanka Argagixisada ay galayso, Buuraleyda Calmiskaat, kooxda Daac1sh ayaa horey ugu weerartay ciidanka difaaca Puntland diyaarado is qarxinaya, waase laga guuleystay, laakiin hadda farsamadan waxay u muuqataa inay ku faaftay koonfurta Soomaaliya waana arrin aan hore loogu aqoonin halkaas.

Bilo kahor, warbixin loo gudbiyay Senat-ka Mareykanka ayaa xaqiijisay in xiriir u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha ka dagaallama Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca tababarka drones-ka ay halis tahay, deegaano kamid ah Hiiraan, Bakool & Gedo ayaa la rumeysan yahay in lagu bixiyay tababarradii u horeeyey.

Drone-ku waa hub jaban, laakiin ka hortaggiisu waa qaali tan oo kuqasbaysa dhammaan ciidamada amniga ee Soomaaliya in lagu qalabeeyo nidaam difaac oo anti-drone ah, Puntland ayaa horey ugu qalabeysay ciidanka difaaca, laakiin sida muuqata dagaalku wuxuu geli karaa wajigii ugu khatarta badnaa.