Tuesday, June 16, 2026
Home NEWS Shil sababay dhimasho Iyo dhaawac oo ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho...

Shil sababay dhimasho Iyo dhaawac oo ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho Iyo Balcad

36

Jun 16 (Jowhar)-Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhimatay 5 kalana waa ay ku dhaawacantay kadib shil gaari oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay wadada isku xirta magaalada Muqdisho Iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Shilkan oo ka dhashay gaari nooca Surf ah Iyo Mooto Bajaaj oo isku dhacay ayaa la sheegay in dhammaan dadkii saarnaa moota bajaajta ay geeriyoodeen.

Sidoo kale waxaa dhaawac soo gaarey dadkii saarnaa gaariga Surfka ahaa. Gaarigan Surfka ayaa la sheegay inuu watay mid ka mid ah dhalinyarada baraha bulshada oo magaciisa lagu sheegay Deeq Jeesow oo isagana ka mid ah dadka ku dhaawacmay shilkan.

Wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho Iyo Balcad oo dayactir wanaagsan lagu sameeyay ayaa gaadiidka isticmaala waxa ay ku socdaan xowli maadaama wadada ay tahay mid si wanaagsan loo dhisey.

Maalmihii la soo dhaafay shilalka gaadiidka ayaa ku soo batay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay