Shir looga hadlayo arrimaha Bini’aadanimo ee dalka oo ka furmay magaalada Jowhar

0
13

Nov 10(Jowhar)-Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya oo Meertadaan  lagu qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle.

shirka waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, wasiirrada gargaarka ee dowlad-goboleedyada dalka, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, ururrada samafalka, iyo bulshada rayidka, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal maxalli ah iyo xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa ah madal muhiim ah oo ay ku kulmaan hey’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, ururrada maxalliga ah, iyo kuwa caalamiga ah, si ay uga wada hadlaan dardar-gelinta jawaabaha bani’aadannimo iyo qorsheyaasha looga hortagayo xaaladaha musiibooyinka ee dalka.