U gudub nuxurka
Talaado, 17 Nofembar 2026 7 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 572 SOS
Hadalhaynta U.S Trump Talks Cop31 Alleged Strike

Soomaaliya iyo Pakistan oo Kala Saxiixday Is-afgarad Ku Saabsan Iskaashiga Difaaca.

Soomaaliya iyo Pakistan oo Kala Saxiixday Is-afgarad Ku Saabsan Iskaashiga Difaaca. Wararka

Aug 04 (Jowhar)-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa maanta kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi oo u dhexeeya labada Wasaaradood ee Gaashaandhigga, kaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodaha ciidamada.
Is-afgaradkan waxaa magaalada Islamabad ku kala saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Pakistan isaga oo hoggaaminaya wafdi, iyo Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Khawaja Muhammad Asif.

Is-afgaradkan ayaa dhigaya in labada dhinac ay iska kaashadaan la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta milatari, kobcinta awoodaha difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.

More News