Sep 03(Jowhar)-Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM ayaa Taliska Guud ee AUSSOM ee Muqdisho ku martigeliyey wafdi heer sare ah oo ka socday Mareykanka kaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha US Africa Command Dagvin Anderson & Safiirka Mareykanka Richard Riley.
Waxay ka wada hadleen taageerada AU–AFRICOM ay siiyaan Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab & sare u qaadista iskaashiga si loo heli xasillooni waarta.
Danjire Diene ayaa xusay doorka AUSSOM ay ku leedahay geeddisocodka nabadda ee ay Soomaaliya majaraha u hayso, halka Jeneraal Anderson uu ammaanay saameynta Hawlgalka uu ku leeyahay xasilinta Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Waa booqashadii ugu horreysay ee Jeneraal Anderson uu ku marayo gobolka tan iyo markii uu xilka qabtay.
Waxaa kulanka ka qeybgalay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka, S/Gaas Peter Muteti & Taliyaha Booliska Hillary Sao Kanu iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare.