Dec 24(Jowhar)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay tirada dadka codadkooda la rajeynayo inay ka dhiibtaan doorashada golaha deegaanka ee maalinta berri ah ka dhacaysa caasimada dalka ee Muqdisho.
Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in ay kaararka qaateen dad gaaraya 503,916 ruux kuwaasoo la rajeynayo inay codadkooda dhiibtaan.
Hase yeeshee tiradan ayaa aad uga yar tiradii la rajeynayay inay codadkooda dhiibtaan iyadoo guddigu uu hore u sheegay inay is diiwaangeliyeen dad gaaraya 918,890 ruux.
Tirada la shaaciyay inay kaararka qaateen ayaa ah boqolkiiba 55, taasoo waxyar ka badan tirade dadka is diiwaangeliyay.
Doorashada ayaa berri ka dhacaysaa 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana ku tartamaya 20 urur siyaasadeed, kuwaas oo ay metelayaan 1,604 oo musharrax oo ku tartami doona 390 kursi.











