Trump iyo Putin oo todobaadkan kulan ka yeelanaya xalka dagaalka Ukraine

0
190

Aug 10 (Jowhar) Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka ayaa Jimcaha kulan fool ka fool ah ku yeelanaya gobolka Alaska, waxeyna ka wada hadlayaan nabad laga gaaro dagaalka Ukraine ee socda tan iyo bishii February 2022.

Dhinaca kalena, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy waxa uu sheegay ineysan aqbali doonin wadahadalka hadii ay qeyb ka tahay in meelo kamid ah dhulka Ukraine la raaciyo Ruushka.

Inkastoo Madaxweynaha Ruushka uusan caddeyn shuruudihiisa, balse hore ayuu Kremlin-ku u sheegay in Ukraine ay ka tanaasusho dhulka uu Ruushku haysto, reer Galbeedkuna ay joojiyaan hubka ay siinayaan Ukraine, isla markaana laga saaro Ukraine rajada ku biirista isbahaysiga difaaca NATO.

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, sidoo kale malaayiin ayaa guryahoodii ka barakacay.

Saddex wareeg oo wadahadallo ah oo sanadkan dhexmaray Ruushka iyo Ukraine ayaan midna miro dhalin, welina lama hubo in shir-madaxeedkan uu dhanka nabadda u soo dhowayn karo labada wadan.