Nov 04(Jowhar)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo hor jeestay in Zohran Mamdani oo Muslim ah loo doorto jagada maayirka magaalada Qaramada Midoobay Xaruunta u ah ee New York.
Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in uu dhaqaalaha ka joojin doono New York haddii loo doorto Zohran Mamdani.
Doorashadan oo ah mid si weyn isha loogu hayo waxa ku loollamaya Andrew Cuomo oo Jamhuuri ah iyo Zohran Mamdani oo Dimuqraadi ah waxana loo badinayaa in uu ku guulaysto ninka Muslinka ah ee Mamdani.










