Aug 22 (Jowhar)-Dowlada Uganda ayaa ogolaatay inay qaabisho muwaadiniinta ka soo jeeda dalalka Afrika oo laga soo tarxiilayo wadanka Maraykanka.
Wasaaradda Arrimaha Dibada Uganda ayaa sheegtay in heshiisku uu ku saleysan yahay in dadka magan-galyo doonka ah ee ay qaabilayso aysan gelin dambiyo iyo in aysan ahayn carruur aan qaangaar ahayn.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa doonaya inuu masaafuriyo malaayiin muhaajiriin ah oo aan sharci heysan, iyadoo maamulkiisu uu doonayo inuu kordhiyo musaafurinta dalalka ka soo jeeda dalalka dunida saddexaad,waxaana uu Maraykanka hore u geeyay dad aan sharci lahayn dalalka South Sudan iyo Boqortooyada Koonfurta Afrika ee Eswatini.
Uganda waxay horey u martigelisay qaxootiga ugu badan ee Afrika, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, waana waddankii ugu dambeeyay ee Bariga Afrika ee ku dhawaaqa heshiiskan oo kale Washington, isagoo ku biiray Rwanda iyo South Sudan.
Ma cadda in heshiiska la saxiixay iyo in kale, balse Wasaarada Arimaha Dibbada Uganda qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in la soo gebagabeeyay.
Si kasta ha ahaatee warkan ayaa imaanaya maalin kadib markii mas’uul sare oo ka tirsan Uganda uu beeniyay warar ay warbaahintu qortay oo sheegayay in dalkaasi uu ogolaaday inuu qaabilo dadka laga soo tarxiilayo Mareykanka, isagoo sheegay in aysan haysan tas=hiilaad ay ku dejiyaan.
Tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo, Trump waxa uu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo uu uga dan leeyahay in lagu dadajiyo musaafurinta muhaajiriinta aan sharciga haysan ee dalalka saddexaad.
Bishii Luulyo, Mareykanka ayaa Eswatini u tarxiilay shan nin oo dambiyo galay, siddeed kalena wuxuu u diray Koonfurta Suudaan.
Maamulka Trump ayaa sidoo kale u tarxiilay boqollaal la sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxaha gaangiska ee Venezuelan ilaa El Salvador, halkaas oo lagu hayay xabsi ammaankiisu aad u wanaagsan yahay oo xaaladdoodu liidato ka hor inta aan lagu celin Venezuela.