Jun 21(Jowhar)-Wadahadalo toos ah oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran ayaa lagu wadaa in uu ka furmo dalka Switzerland inkastoo ciidamada Iran ay sheegeen in mar kale ay xireen marin biyoodka Hormuz kadib weeraradii Israel ay ka geysatay koonfurta Lubnaan.
Milateriga Mareykanka ayaa beeniyay in la xirey marinka Hormuz oo ay maraakiibtu si caadi ah u ga gudbayaan.
Iran ayaa ku eedeysay Isra’il inay jebisay heshiiskii kadib duqeynta ay ka geysatay Koofurta Lubnaan,
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa subaxnimadii hore ee saaka ee Axada ah ka degay dalka Switzerland. Wareega cusub ee wada xaajoodka ayaa la filayaa inuu bilaabmo gelinka dambe ee maanta.
Wafdi ka socda Iran oo ay ka mid yihiin afhayeenka baarlamaanka Mohammad Bagher Ghalibaf iyo wasiirka arrimaha dibadda Abbas Araghchi ayaa gaaray goor Switzerland gelinkii dambe ee shalay.
Saraakiil ka socota Mareykanka iyo Iran ayaa waxaa wadahadalka ku wehlin doona ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo madaxa ciidamada xoogga dalka, Field Marshal Asim Munir.
Pakistan ayaa dhexdhexaadin ka dhex waday labada dal ee Maraykanka iyo Iran intii uu socday dagaalka, waxayna martigelisay wareeggii hore ee wada xaajoodka u dhexeeya.
“Pakistan waxa ay sii wadi doontaa taageeridda hirgelinta is-fahamka u dhexeeya Iran iyo Maraykanka,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ku sheegtay hadal ay soo saartay ka hor wadahadallada.
Vance wuxuu sheegay inuu rajaynayo inuu horumar ka sameeyo arrinta nukliyeerka iyo weliba xabbad-joojinta Lubnaan”.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baghaei ayaa sheegay in dalkiisa uu ka dalban doono in dhinaca kale uu fuliyo ballan-qaadyadii”.
Horaantii todobaadkan madaxweynayaasha Mareykanka iyo Iran ayaa kala saxiixday heshiis bilow ah oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka oo uu ku jiro Lubnaan, si degdeg ahna loo dhaqan galo. Waxaa ka mid ah ballan qaadka wadahadallo dheeri ah si loo gaaro heshiis kama dambays ah 60ka maalmood ee soo socda.
Sabtidii, ugu yaraan 47 qof ayaa lagu dilay Lubnaan ka dib duqeymo isdaba joog ah oo ay geysteen diyaaradaha Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Lubnaan.










