Dec 16(Jowhar)-Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku qulqulaya magaalada Kismaayo ee dowlad-goboleedka Jubbaland, iyaga oo ka qeyb galaya shir wadatashi ah xilli ay isa soo tarayaan xiisadaha siyaasadeed iyo hubanti la’aanta ka taagan doorashada 2026.
Madaxda Madasha Mucaaridka Soomaaliya ee Samatabixinta ayaa ku wajahan magalaada Kismaayo, waxaana la filayaa inay gaaraan qaybtooda ugu danbaysa maalinnimada Arbacada ee 17-ka bisha.
Madaxweynaha Puntland oo maamulkiisu qayb ka yahay Golaha Mustaqbalka ayaa isagna ka soo safraya magaalada Garoowe maalinta Khamiista ah si uu uga qaybgalo shirka.
Shirkan oo ah kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo xoogaga mucaaridku ay ku qabsadaan dalka ayaa looga hadlayaa dhammaystirka qaab dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaliya iyo ka tallo bixinta xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka.
Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay inay shirka ka qaybgalayaan madaxda Madasha Samatabixinta iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.










