Thursday, February 26, 2026
Home NEWS Wakiilo ka socda Marykanka iyo Iiraan oo wadahadalo uga bilowday Geneva

Wakiilo ka socda Marykanka iyo Iiraan oo wadahadalo uga bilowday Geneva

51

Feb 26(Jowhar)-Saraakiil ka socotay dowlada Maraykanka iyo Iran ayaa ku kulmaya magaalada Geneva wareeggii saddexaad ee wadahadalo dadban oo loo arkay inay muhiim u yihiin baajinta colaadda, iyadoo madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu weerari doono Iran haddii aan la gaarin heshiis nukliyeer ah.
Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Maraykanku ku urursanayo millatarigii ugu ballaarnaa ee Bariga Dhexe tan iyo markii uu Maraykanku duullaan ku qaaday dalka Ciraaq sannadkii 2003-dii, iyada oo Iiraan ay wacad ku martay in ay si xoog ah uga jawaabi doonto weerarkaas.

Wadahadallada waxaa mar kale dhexdhexaadinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan Badr Albusaidi, oo sheegay in wada-xaajoodayaashu “ay muujiyeen furfurnaan aan horay loo arag oo fikrado cusub leh.

Inkasta oo Trump uu sheegay in uu doorbidayo in xiisadda lagu xalliyo diblumaasiyad, haddana waxa uu sidoo kale sheegay in uu ka fikirayo weerar xaddidan oo lagu qaado Iran si uu ugu cadaadiyo hoggaamiyeyaasheeda in ay aqbalaan heshiis.

Iran ayaa ku gacan seyrtay dalabka Mareykanka ee ah in la joojiyo tayeynta Uranium-ka dalkeeda, balse waxaa jiray calaamado muujinaya in ay diyaar u tahay in ay xoogaa tanaasulaad ah ka bixiso barnaamijkeeda Nukliyeerka

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rubio ayaa ku celceliyay in Trump uu cad yahay in uu ka door bidayo diblomaasiyadda Iran.

Iran ayaa wadahadalka ka hor u soo bandhigtay Cuman hindise qabyo ah, kaas oo la filayo in lagu qiyaaso “khatarta” Mareykanka.

Iyada oo ay sii kordheyso cabsida laga qabo dagaal, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Araghchi ka digay in aysan jiri doonin guul qofna u soo hoyn doono, balse noqon doono dagaal ba’an”.

Al-Busaydi ayaa wadahadalka ka hor la kulmay madaxa Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah.