Mar 30(Jowhar)- Madaxweynihii Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ku sheegay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha DKGS.
Is casilaadan ayaa timid kadib markii maanta ciidamada dowlada federalka Soomaaliya iyo ciidamo la magac baxay badbaadada Koofurgalbeed ay gudaha u galeen magaalada Baydhabo caasimada KMGaarka ah ee Maamulka Koofurgalbeed.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa doorasho aan hore nooceeda oo kale ah dhowaan loogu doortay inuu noqdo madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya.Lama oga halka uu ku sugan yahay Cabdicasiis Laftagareen iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu dalka ka baxay halka warar kalana ay tilmaamayaan inuu ku jiro xarunta madaxtooyada maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya.
Dhinaca kale qoraal lagu daabacay barta maamulka koofurgalbeed ayaa lagu sheegay in kusime madaxweyne uu noqonayo wasiirka maaliyada koofurgalbeed Axmed Maxamed Xuseen
Qoraalka uu soo dhigey bartiisa Facebook Cabdicasiis Laftagareen ayaa sidan u qorneyd.











