Thursday, April 30, 2026
Home NEWS Warar kasoo kordhay Soomaaliga loo haysto weerarkii Yahuuda London

Warar kasoo kordhay Soomaaliga loo haysto weerarkii Yahuuda London

118

Apr 30(Jowhar) Ninka lagu eedeeyay inuu weerar mindi ah ku dhaawacay labo qof oo ka tirsan jaaliyadda Yahuuda ee xaafadda Golders Green ee London shalay.

Boolisku waxa ay sheegeen in ninkan oo 45 jir ah la xiray isagoo looga shakisan yahay isku day dil.

Booliisku waxay sheegeen inuu yahay muwaadin British ah oo ku dhashay Soomaaliya hase yeeshee wali lama shaacin magaciisa.

Wuxuu UK ku yimid “si sharci ah isagoo carruur ah”, sida ay sheegtay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Shabana Mahmood oo wareysi siisay BBC Breakfast.

Booliiska Metropolitan Police ayaa xaqiijiyay in ninkan loo gudbiyay barnaamijka ka hortagga argagixisada ee dowladda sanadkii 2020 markii looga shakiyay argagixisanimo, Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in kiiskaas la xiray isla sanadkaas.

weerarka markii uu dhacay, waxaa ninkan la geeyay isbitaal, balse markii dambe waa laga soo saaray waxaana loo gudbiyay saldhig booliis oo ku yaalla London oo aan la shaacin halkaas oo uu weli ku xiran yahay.

Taliyaha Booliiska London, Mark Rowley, ayaa sheegay in askartu ay la kulmeen nin ay u maleynayeen inuu yahay argagixiso, kaas oo diiday inuu is dhiibo, isla markaana ahaa mid damacsanaa weerar oo weli halis cad ku ahaa dadka rayidka.

Wuxuu intaas ku daray taliyaha booliska in askartu ka cabsi qabeen inuu watay walxo qarxa, sidaas darteedna ay adeegsadeen Taser si ay u qabtaan, xilli uu weli isku dayayay inuu weeraro oo uu toorey ku dhufto askarta.

Rowley wuxuu yiri: “Waxaan sidoo kale la shaqeyneynaa hay’adaha amniga si aan u helno xog dhameystiran, mid ka mid ah jihada baaritaankana waa in la ogaado in weerarkan si ula kac ah loogu beegsaday bulshada Yuhuudda ee London.”

Waxaa sidoo kale la sheegay in eedaysanuhu uu hore u lahaa taariikh rabshado culus ah iyo dhibaatooyin la xiriira caafimaadka maskaxda.

Booliiska ayaa sidoo kale baaritaan ka sameeyay guri ku yaalla koonfur-bari London, halkaas oo ay ku baarayaan dhacdo kale oo lala xiriirinayo isla ninkan inuu gaystay.

Booliiska ayaa sheegay in lagu wargeliyay dhacdo ka dhacday Great Dover Street, agagaarka Borough ee Southwark, qiyaastii 08:50 subaxnimo shalay, halkaas oo la rumeysan yahay in ninkan uu mindi watay, isla markaana uu muran la galay qof deganaa guri ka hor inta uusan goobta ka tagin.

Labada nin ee Yuhuudda ah ee lagu dhaawacay weerarka mindida ayaa magacyadooda lagu sheegay Shloime Rand, 34 jir, iyo Moshe Shine, 76 jir.

Waxaa lagu daweeya isla goobta Weerarka, waxaana hadda lagu hayaa isbitaal iyagoo xaaladdoodu deggan tahay.

Rabbi Levi Schapiro oo ka tirsan Golaha Bulshada Yuhuudda ayaa Arbacadii ku booqday isbitaalka labada nin.

Wuxuu sheegay in dhaawacyada Moshe ay culus yihiin, balse dhakhaatiirtu ay “rajo wanaagsan ka qabaan” inuu si buuxda u bogsan doono.

Saaxiib aan magaciisa la shaacin ayaa Moshe ku tilmaamay “qof aad u wanaagsan, deggen, oo daacad ah.”

Hooyada Shloime, oo iyaduna aan magaceeda la shaacin, ayaa BBC-da u sheegtay:

“Wuxuu ku jiraa xaalad deggan. Anigoo hooyo ah, aad ayaan uga naxay in waxyaalahan ay ka dhacaan waddooyinka London, gaar ahaan bulsho aan waxba galabsan oo isku dayda inay cidna waxyeello u geysan.

Shloime wuxuu si caadi ah ugu socday waddada isagoo aan cidna dhibin. Waxaan arkay shalay, Ilaahay mahaddiis, wuu miyir qabay waqtiga oo dhan.”

Waxay intaas ku dartay in qoysku rajaynayaan inuu guriga kusoo laabto habeenka Jimcaha ee Sabtida ka hor.

Rabbi Schapiro ayaa sidoo kale yiri:

“Waa mucjiso nool. Wuxuu si fudud u dhiman karay, iyadoo la eego halka uu dhaawacu ka gaaray.”