Monday, March 30, 2026
Home NEWS Wararkii u danbeeyay dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo

Wararkii u danbeeyay dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo

196

Mar 30(Jowhar)-Dagaal xooggan ayaa maanta ka qarxay duleedka magaalada Baydhabo, kaasoo u dhexeeya ciidamadda Koofur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Sida goobjoogayaal ay kusoo warrameen, hubka culus ee la isu adeegsanayo dagaalka ayaa laga maqlayay gudaha magaalada.

Dagaalka wuxu ka qarxay jiho cusub oo dhanka Suuqa Xoolaha, iyadoo aanu eheyn goobtii ay shalay labada dhinac isku hor-fadhiyeen.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday iyadoo kulan uu haatan uga socdo Madaxtooyada Muqdisho Madaxweyne Xasan iyo wakiilada Beesha Caalamka oo ku saabsan xal u helista xiisadda Baydhabo.