Wararkii u danbeeyay shirka Kismaayo iyo war-murtiyeedka caawa la filayo

29

Dec 20(Jowhar)-Saakay ayaa magaalada Kismaayo lagu wadaa in uu ka furmo shirar gaar ah oo u dhexeeya Madaxda Madasha Mucaaradka iyo hoggaanka maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Sida ay wararku sheegayaan, shirka ayaa si gaar ah diiradda u saari doona qodobo dhowr ah oo weli dood ka taagan tahay, kuwaas oo la xiriira arrimaha siyaasadda dalka iyo jihada mustaqbalka. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in inta uu shirka socdo la diyaariyo warmurtiyeedka rasmiga ah ee laga soo saari doono kulanka.

Shirka ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo caawa marka ay saacaddu tahay 7-da fiidnimo, iyadoo isla xilligaas la filayo in la faafiyo warmurtiyeedka, kaas oo ka tarjumaya nuxurka iyo go’aannada shirkii Kismaayo. Waxaa sidoo kale caawa la filayaa khudbadaha madaxda ka qeyb-gashay shirka.

Waxaa xusid mudan in warmurtiyeedka aan lagu shaacin doonin magaca Madasha Mucaaradka ama Golaha Mustaqbalka, balse si rasmi ah loogu faafin doono magaca “Shirweynaha Aaya-ka-tashiga Soomaaliyeed.”