Friday, July 17, 2026
Home NEWS Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Iran iyo Maraykanka

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Iran iyo Maraykanka

0
US restores Iran oil sanctions as tankers hit in Hormuz
All three vessels were struck close to Oman (file image)

July 17-(Jowhar)-Mareykanka ayaa habeenkii lixaad oo xiriir ah duqeymo culus ka wada dalka Iran.Saraakiisha koonfurta Iran ee Bandar Abbas ayaa soo sheegay in kaabayaasha rayidka, oo ay ku jirto warshadaha korontada la duqeeyay.

Wakaaladda wararka ee Mehr ayaa ku warrantay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen saldhig ciidan oo Mareykanku ku leeyahay Kuwait, iyagoo ku dhuftay raadaarka difaaca gantaallada, dhowr goobood oo hubka lagu kaydiyo oo muhiim ah, iyo laba goob oo laga rido gantaallada dhulka-ilaa-dhulka ee nooca HIMARS.

IRGC-du waxay sidoo kale sheegtay in weerarkaas loo qaaday si looga jawaabo weerarro dhawaan Mareykanku ku qaaday kaabayaasha rayidka ee Iiraan, oo ay ku jiraan shabakadaha isgaarsiinta iyo kuwa tareennada.

Ciidamada Urdun ayaa sheegay inay soo rideen saddex gantaal oo Iiraan ay ku soo hagaysay dalka, kadib markii nidaamka difaaca cirka uu ka hortagay gantaalladaas.

Ciidanku waxay sheegeen in dhacdadan aysan sababin wax khasaare nafeed ah, iyadoo kooxaha Injineernimada ee Ciidanka Boqortooyada Urdun ay wax ka qabteen burburka iyo firirka gantaallada ee soo dhacay.

Wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa sheegtay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ay weerareen xarun talis oo ay leeyihiin ciidamada hawlgallada gaarka ah ee Mareykanka, taas oo ku taal saldhigga milateri ee al-Tanf ee dalka Suuriya.

IRGC-du waxay sidoo kale sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid looga jawaabayay dilka askar u dhalatay Iran oo lagu dilay magaalada Iranshahr.

Ciidanka Ilaalada ayaa intaas ku daray in Iran ay si buuxda u gacanta ku hayso marinka biyaha ee Hormuz, isla markaana aan wax shidaal ama gaas ah laga dhoofin doonin marinkaas inta ay sii socdaan weerarrada cusub ee Mareykanka.
Wakaaladda wararka ee Iran ee Fars ayaa soo xigatay hadallo ka soo baxay maamulka gobolka koonfureed ee Hormozgan, kuwaas oo sheegaya in duqeymo cirka ah oo ay geysteen Mareykanka ay waxyeello u geysteen shan buundo.