Saturday, February 28, 2026
Home NEWS Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu qaaday Iiraan

Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu qaaday Iiraan

151
Israel, US launch strikes on Iran
Smoke rises over Tehran after the Israeli army launched a second wave of air strikes

Feb 28(Jowhar)-Qaraxyo badan ayaa laga maqlay magaalada Tehran iyo tiro magaalooyinka dalka Iran ah.Xafiiska Hoggaamiyaha Sare ee Iran iyo xafiiska madaxtooyada ee Tehran ayaa sidoo kale la sheegay in la beegsaday.

Goobaha militariga ayaa lagu bartilmaameedsaday Kermanshah, Qum, Isfahan, Tabriz, Karaj iyo sidoo kale xarumaha ciidamada badda Iran ee ku yaalla Kenarak ee koonfurta dalkaasi. Muuqaal aan ka helnay magaalada yar ee Kamyaraan ee gobolka Kurdiyiinta ayaa muujinaya saldhig ay ciidamada IRGC ku leeyihiin oo la duqeeyay.

Dhinaca kale Iraan ayaa ka jawaabtay weerarkaas iyadoo  bartilmaameedsatay xarumaha milatariga Maraykanka ee ku yaala wadamada Khaliijka Carabta iyada oo ka jawaabaysa weerarka ay si wada jir ah u fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil.

Dowladda Iran ayaa xaqiijisay weeraradeeda sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars, oo ay ku jiraan Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay ku yaalaan saldhigyada ciidamada cirka Mareykanka.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay in dhammaan bartilmaameedyada ciidamada Israa’iil iyo Mareykanka ee Bariga Dhexe ay ku garaaceen gantaalo xoogan.

“Howlgalkan wuxuu sii socon doonaa si aan kala joogsi lahayn ilaa cadowga si ba’an looga jebiyo,” ayay tiri wakaalada wararka Iiraan.

Ugu yaraan hal qof ayaa lagu dilay magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii dhowr gantaal oo laga soo tuuray Iran la qabtay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaasi.

Baxrayn ayaa sheegtay in weerar gantaal lagu beegsaday xarunta guutada 5-aad ee ciidamada badda Maraykanka, oo ay martigeliyaan.

Dawladdu waxay ku tilmaantay “weerar khiyaano ah iyo “xadgudub qaawan oo ka dhan ah madaxbanaanida iyo amniga boqortooyada”.

Aljazeera Carabi ayaa dhanka kale xaqiijisay dhawaqa qaraxyo ka dhacay dalka Kuwait, oo ay ku taalo xarunta dhexe ee ciidamada Mareykanka.

Dalka Qatar, wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay inay ka hortagtay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday dalkaasi.

Wararka waxa kale oo ay sheegayaanin garoonka diyaaradaha Erbil ee gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq labo jeer gantaalo lala beegsaday.

“Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa isku dayday inay bartilmaameedsato garoonka diyaaradaha ee Erbil, balse difaaca cirka ayaa ka hortagay oo soo riday, ayay raaciyeen.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowlada Ciraaq.

Dalka kaliya ee ku jira golaha iskaashiga khaliijka ee aanay Iran ilaa hadda garaacin uu yahay Cumaan.Cumaan waxa ay sanado badan ahayd xiriiriyaha Iran iyo quruumaha kale ee gobolka.

Waxa ay door dhexe ka ciyaartay wadahadaladii dadban ee dhawaan Iran iyo Maraykanka ku dhexmaray Cumaan iyo Geneva.

Dhammaan shirkadaha waaweyn ee diyaaraduhu waxay weeciyeen ama baajiyeen duullimaadyadii ay ku tagi lahaayeen gobolka, iyaga oo sabab uga dhigaya badqabka, raalligelinna siiyay macaamiisha.

Wizz Air ayaa xaqiijisay in ay joojisay dhammaan duullimaadyadii tagi jiray Israa’iil, Dubia, Abu Dhabi iyo Cammaan iyada oo si degdeg ah u dhaqan galaysa ilaa iyo Sabtida soo socota. Duullimaadyada taga ama ka yimaada Sacuudiga waa la joojinayaa ilaa Talaadada.
Emirates ayaa si ku meel gaar ah u joojisay howlaheeda.Lufthansa, Air India iyo Turkish Airlines ayaa ah shirkado kale oo ku dhawaaqay in la baajiyay duullimaadyadii gobolka.