Monday, July 20, 2026
Home NEWS Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo la kulmay Lataliyaha Trump

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo la kulmay Lataliyaha Trump

217

July 19 (Jowhar)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan ku la yeeshay magaalada Qaahira ee Dalka Masar Mudane Massad Boulos, La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan Arrimaha Carabta iyo Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, dib u xaqiijinta taageerada loo hayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, horumarinta iskaashiga amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha ka taagan Geeska Afrika, amniga Badda Cas, iyo doorka Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ee taageeridda mudnaanta amniga Soomaaliya.

Waxay labada dhinac intii uu socday kulanka mar kale carabka ku adkeeyeen sida ay uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo sii wadidda iskaashiga lagu horumarinayo amniga iyo horumarka waara ee Soomaaliya.