Sunday, July 5, 2026
Home NEWS Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga oo gaaray Ceel Dheer

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga oo gaaray Ceel Dheer

43

July 05 (Jowhar)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka socdaan dadaallo lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana ay ka jiraan horumarro dhanka amniga ah.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgalada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta ciidamada XDS ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladda amniga, horumarka howlgalada, iyo baahiyaha jira si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida.

Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.