Apr 07(Jowhar)-Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay, halka laba askari ay dhaawacmeen, kaddib weerar goordhow ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow Safaaradda Israel, iyadoo faahfaahinta ku saabsan cidda ka dambeysa iyo nooca weerarka ay weli xaddidan tahay.
Goobta ayaa la sheegay in si degdeg ah ay u gaareen ciidamada ammaanka iyo kuwa gurmadka, iyadoo la xiray aagga ay wax ka dhaceen si loo sugo amniga loona bilaabo baaritaanno.
Laamaha ammaanka Turkiga ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, mana jiro war cad oo laga bixiyay sababta weerarka ama cidda fulisay.









