Feb 04(Jowhar)-Wararka laga helayo dalka Liibiyw ayaa sheegaya in Sayf al Qaddaafi oo ah wiilka u dhalay Madaxweynihii hore Mucammar Qaddaafi lagu dilay iska-horimaadyo ka dhacay galbeedka Liibiya.
Telefishinka “Libya Al-Hadath” ayaa soo xigtay Cabdullaahi Cismaan, wakiilka Saif al-Islam Qaddaafi ee wada-hadallada siyaasadeed, kaas oo xaqiijiyay geerida wiilka Qaddaafi.
Sarkaalkaasi faahfaahin kama bixin duruufaha ama sababaha dhacdada iyo cida sida rasmiga ah uga dambeyso toogashada Ina Qadaafi.










