Monday, August 24, 2026
Home NEWS Xasan Sheekh oo la kulmay 10ka arday ee kaalmaha ugu sareysa imtixaanka...

Xasan Sheekh oo la kulmay 10ka arday ee kaalmaha ugu sareysa imtixaanka dugsiyada sare

15

Aug 24(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha ugu horreeya ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.
Waxa uu ugu horeyntii Madaxweynaha hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ardayda, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo natiijada wanaagsan ee ay ka soo hooyeen imtixaanka, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba-jibaaraan dadaalkooda waxbarasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ardayda u ballanqaaday in arday kasta oo daneynaya in uu dalka gudhiisa ka sii wato waxbarashadiisa uu heli doono fursad waxbarasho oo bilaash ah, si loo dhiirrigeliyo haldoorka aqoonta iyo jiilka cusub ee dalka hoggaamin doona.

Waxa uu Madaxweynaha ayaa u sheegay aradayda in dowladdu ay qorsheyneyso hirgalinta Jaamacad kale oo dowladeed taasi oo bixindoonta casharo u gaar ah Teknoolojiyadda, taasi oo fursado waxbarasho oo tayo leh siindoonta dhallinyarada soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa daneynaya culuumta casriga ah iyo tiknoolajiyadda.