Thursday, April 2, 2026
Home NEWS Xildhibaanada Golaha Deegaanka gobolka banaadir oo la dhaariyay

Xildhibaanada Golaha Deegaanka gobolka banaadir oo la dhaariyay

48

Apr 02-(Jowhar)-Munaasabadda dhaarinta xubnaha golaha deegaanka Xamar oo ka kooban 390 xubin ayaa galabta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirro ka tirsa xukuumadda, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgalaya munaasabadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, ayaa si rasmi ah u dhaariyay dhammaan 390-ka xildhibaan ee golaha deegaanka Xamar.

Cabdikariim Axmed Xasan Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa xusay in dhowaan ay soo saari doonaan jadwalka doorashooyinka deegaanada Koonfur Galbeed oo ah kuwa isu sidkan oo lagu dooran doono golayaasha deegaanka degmooyinka iyo xubnaha golaha wakiilada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowladda FS Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo la dardaarmay xildhibaannada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir ayaa ku adkeeyey inay ka shaqeeyaan danta guud “Ogaada, qabiil idin ma dooran, ka war qaba dadkii qoraxda idiin taagnaa ee idin doortay.” ayuu yiri.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Xasan Macalin ayaa u hambalyeeyey xubnaha Golayaasha deegaanka Xamar oo lagu soo doortay doorasho toos ah nus qarni ka badan ka dib.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda FS mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa isna tallaabo muhiim ah oo bogaadin mudan ku tilmaamay in heerkan maanta la soo gaaray, taas oo ku timid dadaal ay dowladdu ku bixisay in talada dalka loo celiyo bulshada.