XOG: Sababaha xil ka qaadista Xisaabiyihii Guud ee Qaranka

0
215

Nov 02(Jowhar)-Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey xil ka qaadista Xisaabiyihii Guud ee Qaranka, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, waxaana booskiisa lagu beddelay Maxamed Maxamuud Cabdulle, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiiradu waxay sheegeen in Cabdulle uu leeyahay khibrad ku saabsan maamulka maaliyadda iyo hannaanka xisaabaadka guud.

Xisaabiyaha Guud ee cusub waa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheree), isagoo bedelaya C/raxmaan Maxamed Anas oo ka mid ahaa saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo xilkan qabtay bishii April 2023.

Maxamed Dheere ayey magacaabistiisa ku timid cadaadis Madaxweynaha ka heystay Beesha uu kasoo jeedo, kadib markii xilka laga qaaday Agaasimihii NISA C/llaahi Sanbaloolshe.