Tuesday, June 2, 2026
Home NEWS xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay

xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay

44

Jun 02(Jowhar)Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka qeyb galay xuska Maalinta Qaranimada Talyaaniga, isagoo hambalyo u diray shacabka iyo dowladda Talyaaniga.

Mudane Saalax ayaa xusay xiriirka iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

“Maalintan waxay xusuus u tahay aftidii 1946-kii, markii shacabka Talyaanigu doorteen in dalkoodu noqdo jamhuuriyad halkii uu boqortooyo ahaan lahaa. Sidaas darteed, anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo madaxda Talyaaniga,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac.