Shiinaha oo dalkiisa ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh

80

Jan 12(Jowhar)-Dowladda Shiinaha ayaa si rasmi ah u muujisay taageerada ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ballanqaadday in ay xoojin doonto iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay wafdi ka socday dowladda Soomaaliya, halkaas oo uu ku adkeeyay in Shiinuhu uu si buuxda u garab taagan yahay dadaallada ay Soomaaliya ku doonayso nabad waarta, dowladnimo xooggan iyo la-dagaallanka khataraha amni.

Wang Yi ayaa sidoo kale martiqaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si uu booqasho shaqo ugu tago caasimadda Beijing, taas oo la filayo inay sii xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sanadihii u dambeeyay sii xoogeysanayay, iyadoo Shiinuhu uu ka mid yahay dalalka taageera dib-u-dhiska Soomaaliya iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka.

Booqashada la filayo ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Shiinaha ayaa lagu wadaa inay noqoto mid taariikhi ah, isla markaana furta bog cusub oo iskaashi oo u dhexeeya labada dal.