Cunto yari baahsan oo laga soo sheegayo marinka Gaza

0
319

Jul 26 (Jowhar)-Kudhowaad saddexdii qof ee ku nool Marinka Qasa mid ka mid ah ayaa maalmo aan wax cunin, barnaamijka gargaarka cuntada ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay.

“Nafaqo-xumada ayaa sii kordheysa iyadoo 90,000 oo haween iyo carruur ah ay u baahan yihiin daweyn degdeg ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Digniinaha ku saabsan gaajada Qasa ayaa sii kordhay toddobaadkan. Sagaal qof oo kale ayaa u dhintay nafaqo darro Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulka Falastiin ee ay maamusho Xamaas – taasoo tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu dagaalku billowday ka dhigaysa 122.

Israa’iil oo gacanta ku haysa gelitaanka dhammaan sahayda Qasa, ayaa sheegtay in aanay jirin wax xannibaad ah oo ku aaddan in gargaarku soo galo dhulkaas, waxaanay Xamaas ku eedaysay nafaqo-xumo kasta oo jirta.

Arrintan ayaa timid ka dib markii sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Israa’iil uu sheegay in la oggolaan karo in Qasa maalmaha soo socda hawada looga soo dejiyo gargaar – wax ay hay’adaha gargaarku horey uga digeen in ay tahay hab aan wanaagsanayn oo sahayda lagu gayn karo Qasa.

“Wararka sheegaya in Israa’iil ay u oggolaan doonto dalalka inay hawada uga soo dejiyaan gargaarka Qasa aad ayuu u soo daahay – laakiin waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo aan awoodno si aan gargaar uga helno waddadan,” Sir Starmer ayaa ku qoray The Mirror.

Sir Keir ayaa sidoo kale sheegay in UK ay “si degdeg ah u dardargelinayso dadaallada” lagu daadgureynayo carruurta u baahan gargaar caafimaad oo muhiim ah UK si loogu daweeyo.

In kasta oo warbaahinta maxalliga ahi ay sheegtay in Imaaraatka Carabta iyo Urdun ay noqon doonaan kuwa ugu dambeeya ee gargaar geeya, haddana sarkaal sare oo ka tirsan Jordan ayaa BBC u sheegay in ciidankoodu aanu weli oggolaansho ka helin Israa’iil.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay tillaabada mid ah carqaladayn iyo wax qabad la’aan ay ku dhaqaaqday dowladda Israa’iil.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay sii kordhayaan walaaca caalamiga ah ee ku aaddan xaaladaha bini’aadantinimo ee Qasa.

Jimcihii, Jarmalka, Faransiiska iyo Boqortooyada Midowday (UK) waxay ugu yeereen Israa’iil “inay si degdeg ah u qaaddo xannibaadaha qulqulka gargaarka” ee dhulka.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo “masiibada bini’aadantinimo ee aan ku arkayno Qasa” iyo dagaalka laftiisa, iyaga oo intaa ku daray in Israa’iil ay waajib ku tahay in ay ilaaliso waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

“Ka-hortagga gargaarka bini’aadanimo ee muhiimka ah ee dadka rayidka ah waa wax aan la aqbali karin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in uusan “sharrixi karin heerka daneyn la’aanta iyo waxqabad la’aanta aan aragno in badan oo ka mid ah bulshada caalamka – naxariis la’aanta, run la’aanta, iyo bini’aadantino la’aanta”.

Isagoo ka hadlayay shirka caalamiga ah ee hay’adda Amnesty International, wuxuu sheegay in in ka badan 1,000 Falastiiniyiin ah la dilay iyagoo isku dayaya inay helaan cunto tan iyo 27-kii May – markii Mareykanka iyo Mu’asasada Bani’aadamnimada ee Qasa ee ay Israa’iil taageerto (GHF) ay bilaabeen qaybinta sahayda beddelka nidaamka Qaramada Midoobay.

Qandaraasle amni oo Maraykan ah oo u shaqaynayey GHF bilihii May iyo June 2025 ayaa BBC u sheegay Jimcihii in uu “iyadoo aysan su’aal ah ka taagneyn… indhihiisa ku arkay dambiyo dagaal” muddadaas.

Anthony Aguilar waxa uu sheegay in uu arkay IDF iyo qandaraaslayaasha Maraykanka oo isticmaalaya rasaas nool nool, madaafiic, rasaasta hoobiyeyaasha, iyo rasaasta taangiyada ee dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha cuntada lagu qaybinayo.

Askariga shaqada ka fariistay ayaa yiri: “Dhammaan xirfaddeyda shaqada, weligey ma arag heerka naxariis darrada iyo adeegsiga aan loo meel dayin ee aan loo baahneyn ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ilaa aan ku sugnaa Qasa oo ay gacanta ku hayaan ciidamada IDF iyo qandaraaslayaasha Mareykanka.”

Jawaabteeda, GHF waxay sheegtay in sheegashooyinka – oo ka yimid “qandaraasle hore oo niyad jabay oo shaqada looga joojiyay dhaqan-xumo bil ka hor” – ay ahaayeen “kuwo been abuur ah