Madaxweyne Xasan oo Gudoomiyahw Midowga Afrika kala hadlay xiisadda Gedo

0
501

Jul 28 (Jowhar)-Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Addis-ababa u jooga ka qeyb galka shirka Sugnaanta Cuntada.

Kulankooda waxey uga hadleen xaaladda nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Guddoomiyaha wuxuu Madaxweynaha ku amaanay dadaalka iyo horumarka laga sameeyay xasilinta iyo horumarinta Soomaaliya.

Gudoomiye Mahmoud Ali Youssouf wuxuu madaxweyne Xasan u sheegay in Midowga Afrika ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda waddada nabadda ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isna dhankiisa wuxuu uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee Midowga Afrika, isagoo warbixin kasiiyay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada amniga, doorashooyinka iyi xiisadda Gedo.