Feb 23(Jowhar)-Golaha Mustaqbalka ayaa maanta gelinka hore kulan xasaasi ah ku leh Airport Hotel oo ku dhex yaalla aagga Xalane, sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo ku dhow kulanka.
Kulankan ayaa la sheegayaa inuu daba socdo kala tagii shalay ka dhacay xarunta Madaxtooyada, kaddib markii ay xubnaha Golaha la shireen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, balse ay ku heshiin waayeen qodobo muhiim ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in arrimaha la isku mari waayay ay ugu horreeyaan doorashooyinka heer federaal iyo kuwa saddexda maamul-goboleed ee dowladda taabacsan. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in doodahaasi ay sababeen in shirkaasi uu ku dhammaado is-afgaranwaa.
Dhanka kale, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka maanta kaddib Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), la filayo inuu go’aan ka gaaro safarkiisa, iyadoo la hadal hayo inuu dib ugu laaban karo Kismaayo maalinta berri ama Arbacada.
Lama filayo war-murtiyeed rasmi ah ilaa kulanka uu soo geba-gaboobo.










