Monday, March 9, 2026
Home NEWS Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka digay xiisado ka dhalan kara mudo kororsiga...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka digay xiisado ka dhalan kara mudo kororsiga dowladda

129

Mar 09(Jowhar)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay si cad ugaga soo horjeedaan isku day kasta oo lagu kordhinayo muddada xilka Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya. Golaha ayaa xusay in sida uu dhigayo Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee 2012, muddada Baarlamaanka ay ku egtahay 14 Abriil 2026, halka muddada Madaxweynaha ay ku egyahay 15 May 2026.

Goluhu wuxuu sheegay in Soomaaliya horey u soo martay khilaafyo ka dhashay muddo-kororsi, gaar ahaan dhacdooyinkii 2021, kuwaas oo sababay xiisado siyaasadeed iyo amni. Sidaas darteed waxay dowladda ugu baaqeen in ay ka fogaato tallaabo kasta oo keeni karta muddo-kororsi.

Sidoo kale Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowlad-goboleedyada waqtigoodu dhamaaday in ay qabtaan doorashooyin waafaqsan dastuurkooda iyo nidaamka federaalka, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo dowladnimada dalka.