Tuesday, March 31, 2026
Home NEWS Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay danjirayaal iyo wakiilada hay’adaha caalamiga ah

Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay danjirayaal iyo wakiilada hay’adaha caalamiga ah

78

Mar 30(Jowhar)- u qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay warbixin ku saabsan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay ka xaqiijiyeen dhinacyada amniga, doorashooyinka tooska ah, ladagallanka argagixisada, gurmadka abaaraha iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Safiirada taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dib u dhiska dowladnimada, amniga iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, isaga oo xusay in dowladdu ay sii xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah ee ku saleysan ixtiraamka iyo dano wadaagga.