Apr 15(Jowhar)Ugu yaraan 8 arday iyo hal macalin ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla koonfurta dalka Turkiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Mustafa Cifci.Dhacdadan ayaa ka dhacday dugsiga sare ee Ayser Calik oo ku yaala deegaanka Kahramanmaras.
Ninka weerarka geystay ayaa sidoo kale la dilay intii uu shilka socday, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka Mukerren Unluer.
Waxa ay ku soo beegantay maalin ka dib markii 16 qof ay ku dhaawacmeen ka dib markii arday hore uu rasaas ku furay dugsi sare oo ku yaala koonfurta dalka ka hor inta aanu is dilin.Ciftci ayaa sheegay in 13 qof ay ku dhaawacmeen, iyadoo lix ka mid ahna ay xaaladoodu liidato.Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay weerarka, balse waxaa la sheegay in la bilaabay baaritaan.
Warbaahinta Turkiga ayaa ku warantay in ninka weerarka geystay oo la rumeysan yahay in uu ahaa wiil dhalinyaro ah uu galay labo fasal uuna watay shan qori iyo todobo qasnadood, kuwaas oo la sheegay inuu lahaa aabihiis oo ka tirsanaan jiray booliiska.
Aabaha dhalay ninka weerarka geystay ayaa la xirey, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa X ayuu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku sheegay inuu u rajaynayo soo kabasho degdeg ah ardayduu iyo macalimiintii ku dhaawacantay,waxaana uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintey weerarkan.









