Thursday, April 16, 2026
Home NEWS Guddiga Madax-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo ku kala jabay doorashadii K/Galbeed (Bayaan)

Guddiga Madax-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo ku kala jabay doorashadii K/Galbeed (Bayaan)

20

Apr 16(Jowhar) Guddiga Madax-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka (GMXIQ) ee dhowaan la dhisay ayaa wajahaya kala qeybsanaan gudaha ah kadib muran ka dhashay doorashadii 28 Maarso 2026 ka dhacday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qaar ka mid ah komishineerada guddiga ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay ku diidan yihiin ku milanka siyaasadeed ee hoggaanka sare ee guddiga.

Bayaanka ayaa si gaar ah u tilmaamay in Xoghayaha Guddiga, Fadumo Abdiqani Yusuf, ay muujisay taageero Siyaasadeed oo hal dhinac ah, taasoo lagu sheegay mid jebin ku ah mabda’a dhexdhexaadnimada guddiga.

Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryan Qaasim iyo ku xigeenkeeda Mohamed Haaruun inay ku guuldarreysteen inay tallaabo sharciyeed qaadaan.

Komishineerada bayaanka soo saaray ayaa ku dooday in arrintan ay jebin karto Qodobka 18-aad ee Xeerka Lr. 16 ee 2016, kaas oo khuseeya xil-ka-qaadista xubnaha.

Khilaafkan ayaa sare u qaaday walaaca kala qaybsanaanta Guddiga Madax-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka (GMXIQ).

Akhriso lifaaqa bayaanka rasmiga ah ee iska Bari yeelid Iyo diidmo ku saabsan Ku milanka siyaasadeed ee Hoggaanka GMXIQ