Soomaaliya oo sheegtay inaysan jirin walaac oo laga qabo bixitaanka ciidamada Uganda
Wararka
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan wax walaac ah ka qabin bixitaanka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, isagoo ku adkeystay in ciidamada qaranka ay diyaar u yihiin la wareegidda goobaha ay banneeyaan ciidamada shisheeye.
Cabdifitaax ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddooyinkii dambe ku howlanayd diyaarinta iyo tababarka ciidamada qaranka, kuwaas oo qaarkood uu sheegay inay dhawaan dalka dib ugu soo laabteen kaddib markii ay tababar ku soo qaateen dibadda, halka ciidamada Uganda ay qeyb ka mid ah goobihii ay joogeen si toos ah ugu wareejiyeen ciidamada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa xusay in ciidamada shisheeye aysan Soomaaliya u joogin si joogto ah, balse ay dalka u yimaadeen marxalad iyo muddo cayiman, isla markaana bixitaankoodu uusan ka dhignayn in Soomaaliya aysan lahayn awood ciidan ama xulufo ay amnigeeda kala shaqeeyaan.
“Walaac kama qabno in arrintani wax ka beddesho xaaladda amniga dalka ama goobaha ay ciidamadaasi banneeyaan,” ayuu yiri Cabdifitaax, isagoo intaas ku daray in aan amniga Soomaaliya lagu tiirsanaan karin joogitaanka ciidamada shisheeye.
Dhinaca kale, wasiirka ayaa ka horyimid hadal uu jeediyay Xildhibaan Kooshin oo kala qeyb galayay dood ay qabatay BBC Somali, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan weli diyaar u ahayn inay si buuxda ula wareegto goobaha ay ka baxayaan ciidamada Uganda, isla markaana amniga Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe uu weli ku tiirsan yahay ciidamada nabad ilaalinta.
Cabdifitaax ayaa su’aal geliyay in deegaannada uu xildhibaan Kooshin sheegay inay dib ugu laabteen gacanta Al-Shabaab ay markii hore ciidamada dowladda oo keliya xoreeyeen iyo in ciidamada nabad ilaalinta ay garab siinayeen.
Wuxuu sheegay in ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwa xoreeyay deegaanno badan, isagoo tusaale u soo qaatay howlgalladii ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Xarardheere. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in shantii sano ee la soo dhaafay ay dowladda ku bixisay dadaallo lagu dhisayo laguna tababarayo ciidamada qaranka.


