Saturday, April 18, 2026
Home NEWS Iiraan oo duqeysay maraakiib maraysay Marinka Hormuz

Iiraan oo duqeysay maraakiib maraysay Marinka Hormuz

116

Apr 18(Jowhar) Wararka ka imanaya dalka Iran ayaa sheegaya in markab marayey marin biyoodka Hormuz ay rasaas ku fureen laba doonyood oo ay wateen ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran.

Warkan oo ay shaacisay hay’adda ganacsiga badaha ee UK (UKMTO) ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel 20 meyl waqooyi-bari ka xigta dalka Cumaan.

Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in markabka iyo shaqaalihii saarnaa in ay bad qabaan.

Dhanka kale, ugu yaraan laba markab oo ganacsi ayaala  sheegay in ay haleeshay rasaas xilli ay isku dayeen in ay ka gudbaan marinka badda, sida ay saddex ilo-wareed u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Weeraradan ayaa ku soo beegmeysa saacado kadib markii ciidamada milatariga Iran ay sheegeen inay dib ula wareegayaan xakamaynta marin-biyoodka Hormuz, sida ay warbaahinta dowladda Iran sheegtay.

Wakaaladda wararka Fars, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Jmahuuriyadda Islaamiga ah iyo telefishinka qaranka ee IRIB ayaa soo xigtay bayaan ka soo baxay Ilaalada Kacanaka oo sheegaya in marin-biyoodku uu “ku laaban doono xaaladdiisii hore”, iyadoo ciidamada hubeysan ay maamuli doonaan aaggaas.