Sunday, April 19, 2026
Home NEWS Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo xilka la wareegay

Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo xilka la wareegay

63

Apr 18(Jowhar)Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS  Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  Xuseen Khaasim Yuusuf iyo Agaasimihii hore  Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Munaasibadda xilwareejinta ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyo halbeegyada mudnaanta leh ee la-hirgelin doono mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ay ka mid tahay unugyada muhiimka ah ee sugidda amniga iyo la-socodka dhaqdhaqaaqyada Soohdimaha dalka iyo gundhigga adeegyada asaasiga ah ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan adeegyada baasaboorka iyo dukumiintiyada socdaalka oo ay hay’addu si weyn u ga baahi tirtay shacabka.