Tuesday, April 28, 2026
Home NEWS Wakiilada beesha caalamka oo bilaabay cadaadis ku aadan iney dhacdo doorasho heshiis...

Wakiilada beesha caalamka oo bilaabay cadaadis ku aadan iney dhacdo doorasho heshiis lagu yahay

249

Apr 28(Jowhar) Wakiilada Beesha Caalamka ayaa todobaadkan dib u bilaabay la xariirka Madaxtooyada Federaalka & Mucaaradka golaha Mustaqbalka oo ay kala hadlayaan sidii xal loogu heli lahaa hanaan doorasho oo haysta heshiis wadar ogol ah oo dhinacyada kuqanacsan yihiin.

Wakiilada caalamiga ah qaarkood, gaar ahaana kooxda loo yaqaano afarta awooda leh ayaa la kulmay todobaadkan saaxiibada madaxweyne Xassan Sheikh oo ay u gudbiyeen sida ay muhiim u tahay maareynta marxaladda kala guurka & helitaanka doorasho heshiis iyo qanacsanaan buuxda haysata oo loo dhan yahay.

Dhammaadka Todobaadkan ayay sidoo kale la kulmayaan mucaaradka golaha Mustaqbalka oo ay kala hadlayaan soo jeedintooda, gaar ahaana in 2da dhinacba ay tahay in ay ixtiraaman in la helo heshiis doorasho, iyadoo ay doodan horey u soo jeediyeen Golaha Mustaqbalka.